Sida aanan Sh. Cabdiraxmaan ugu raacsanayn fikirka uu ka qabo Mukhtaar Rooboow?

0

(Hadalsame) 13 Okt 2018 – Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir fikirkiisa waan jecel ahay, wax uuna ka mid yahay wadaaddada tanwiiriga ah ee ay Soomaalidu maanta u baahan tahay. Laakiin si xun buu u darjiidhay doodda ku saabsan murashaxnimada Mukhtaar Roobow ee Koonfur Galbeed.

Mukhtaar Roobow isaga oo xor ah ayuu Shabaab ka baxay, madaxiisa oo ay raadinayaan buu la dagaallamay, qabiilkiisa ayuu dhex galay oo ka mid noqday oo is ku difaacay iyagana difaacay. Haddana Qarankiisa ayuu isu soo dhiibay oo cafis wayddiistay, waana la cafiyay oo la aamminay, sida ay dadnimada iyo diintuba ina farayaan.

Qof waliba wuu gefaa, Ilaahayna wuu jecel yahay kuwa gefkooda ka soo noqda. Shabaabnimada, xagjirnimada iyo argagixisannimadu ma aha abuur loo dhasho ee waa fikir iyo dhaqan la qaato la gana bixi karo. Sheekh Shariif laba maalmood buu mid ahaa xagjir argagixiso ah midna ahaa madaxweynaha Soomaaliya oo innaga iyo duniduba aqoonsannay.

Anigu wax aan rumaysan ahay madaxnimada Mukhtaar Roobow ee Koonfur Galbeed wax ay noqon lahayd jabka Shabaab iyo hanaqaadka maamul wanaag gobolkaasi helo. Waa nin dadkiisa iyo dantooda yaqaan. Waa nin aynnaan ku aqoon saqajaannimada iyo maaddinnimada siyaasiga Soomaalidu caanka ku noqday. Laakiin gaalada iyo Carabta dhulka qasaysa ayaa diiddan. Markaa Sh. Cabdiraxmaan Bashiir dooddiisu waa dhidar onkod kiciyay.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

AFEEF: Qoraalkani wuxuu xambaarsan yahay aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media