Hawlgallo lagu qabtay kooxo burcad ah oo laga sameeyay Muqdisho

0

(Muqdisho) 13 Okt 2018 – Ciidamada Booliska ayaa hawlgalo ay ka sameeyeen degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir waxay ku soo qabteen rag la sheegay inay burcad ahaayeen kuwaas oo dadka ka qaadan jiray Moobeeladda.

Ugu yaraan labo ruux oo lagu eedeeyay burcadnimo ayaa laga qabtay degmada Dhakeenley sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo saraakiil u hadlay ciidanka Booliska ee hawlgalka sameeyey.

Hawlgalkaan oo xalay dhacay ayaa qeyb ka ah baaritaano joogto ah oo habeenadii ugu dambeeyay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ka sameynayeen guud ahaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Baaritaanadan ayaa ka dambeeyay kadib cabasho badan oo ka timid shacabka taasoo salka ku haysa burcad qaatir laga taagan yahay oo ku soo badatay Caasimadda.

Hadalsame Media