FAL-CELIN MISE FAL-CURIN? Maxaan ka barannay qaraxii 14-ka Oktoobar?

0

(Hadalsame) 13 Okt 2018 – FAL-CELIN IYO FAL-CURIN: Waa laba eray oo kala macno ah, balse dad badan aysan fahamsaneyn. Fal-celintu waa ficilka deg degga ah ee qofka ka yimaada marka dhib uu dhaco kaddib, sida dareenka damqashada, carrada, cabsida iyo wixii la midka ah. Caadiyan, wuxuu qofku sameeyaa isaga oo aan dersin dhibkii dhacay. Fal-celintu inta badan waxba ma tarto, haddii aysanba wax halleyn ama uga sii darin xaaladda murugsan.

Ka jawaabiddu, waxa ay u baahan tahay in uu qofku is dejiyo, derso, eego duruufaha jira, garto dhibaatada ama xaaladda waxa sababay, kadibna jawaab bixiyo. Jawaabtu waxay qaadan kartaa saacado, maalmo, bilo ama sanado. Muhiimadda se waa inay ku dhisan tahay xaaladda oo la darso, si waafaqsanna looga jawaabo.

Waxaa kaloo jirta arrin fal-celinta ka qurxoon oo la yiraahdo fal-curin, taasoo ku dhisaalan in aad kasii hor degto oo ka gaashaamato dhibaatada aad adigoo jaban aad la jeejeesan lahayd fal-celinteeda.

Haddii aan Soomaali nahay waxaa nahay bulsho fal-celisa balse aan fal-curin lahayn. Marka uu dhib dhaco, durba waan fal-celinaa, weliba si fudayd iyo qiiro miiran ah oo dareenkaa kacsani hagayo, innaga oo aan is weydiin “maxaa dhibka dhaliyey?”, kadibna aan ka jawaabin markaan ogaano sababta.

Haddii sida aan ugu midowno inaan ka damqano ama uga fal-celinno dhibka, aan ugu midoobi lahayn inaan dabaqno hab howleedyo ku dhisan fal-curin si fiican looga fikirey, 30 sano ma ahaan lahayn dowlad la’aan.

Waxaan arrintan ku keennay, berri waxaa sanad buuxa laga joogaa qaraxii 14-kii Oktoobar, waxay ahayd dhacdadii ugu xumeyd taariikhda dalkeena, qof kastana waa ka fal-celiyey, kana damqaday.

Balse wax intaa dhaafsiisan kama aynan bixin. Jawaabta wax ku oolka ihi waxay noqon lahayd inaan isku imaanno, is-weydiino muxuu dhibkani nooga dhacayaa, sideese uga gudubnaa, ugana hortagnaa inuusan dib u dhicin, kaddibna jawaabaha inoo soo baxa aan ku dhaqaaqno fulintooda.

Fal-celinta aan qaraxa ka bixinnay kaddib, wuxuu qof walba dhinac kale ka wadaa isla ficilladii markii horeba dhaliyey in fal noocaas ah uu dhaco ee Shabaab fursadda siiyey, sida qabyaalad, hoggaan xumo, dowlad diidnimo, mucaaradnimo aan wax dhisid ahayn, nin jecleysi, musuq-maasuq, fadhi ku dirir iyo xumo faafin.

Waan ka xumahay inaan iraahdo, balse inta aan nahay umad afka uun ka fal-celisa ee aan fal-curin iyo ka hor tag lahayn, dhibkan oo kale wuu dhacayaa.

Hadalsame Media