Faahfaahin ku saabsan duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Galgaduud

0

(Muqdisho) 13 Okt 2018 – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn xalay ka dhacday qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada barriga gobolkaas oo ay maamulaan ururka Al-Shabaab.

Duqeynta oo ka dhacday inta u dhaxaysa deegaanada Galhareeri iyo iyo Cagacade ayaa la sheegayaa in lala beegsaday xubno ka tirsan urur Al-Shabaab oo ka mid ah Alqaacida.

Wararka ayaa sheegaya in dhowr gaari oo ay saarnaayeen xubnahaasi la beegsaday waxyeelo soo gaartay hase ahaatee ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab.

Sida warar laga helay dadka deegaanka sheegayaan, waxaa weerarkaan gaystay diyaarado aan la garaneynin dalka laga leeyahay hase ahaatee waxaa loo maleynayaa inay yihiin kuwa Maraykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa kordhisay weerarada nuucaan ah oo ay ka fulinayso dhulka ay maamusho Al-Shabaab.

Hadalsame Media