”Dilka HAL qof waa musiibo, dilka MILYAN qof waa tiro uun” – Reer Galbeedka oo ka aamusay xasuuqa malaayiin Yamani ah oo ku khasbanaaday inay tillaabo ka qaadaan khaarajinta Khashoggi!!!

0

(Hadalsame) 13 Okt 2018 – Dulinkii reer Aala Sacuud ee Xijaas afduubka ku haystay siriqdi dili lahayd bay gacabtooda ku qooleen. Cuqubadii ay Yaman ka galeen ayaa soo dhex yuurarsatay, waayo in badan reer Galbeedku waxay si kas ah uga aamusnaayeen welibana Sucuudiga ugu kaalmaynayeen xasuuqa uu ka wado Yaman, balse waa tii la yiri ”Inta aan dhib qabe hadlin baa dheef qabe dhawaaqaaye” Sucuudigii isagaa tooshkii si khasab ah isugu cawaray.

Waxaa isa soo taraya walaaca bulshada adduunku ka qabto badqabka Jamaal Khashoggu oo ay warkiisa iyo wacaalkiisa ugu dabaysay 2-dii Oktoobar markii uu galay gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul. Wararka ugu dambeeyay ayaa sheegaya in la helay maqal iyo muuqaal markii Mr. Khashggi lagu jirdilayay gudaha Qunsuliyadda ugu dambaynna lagu khaarajiyay.

Sida ilo xogogaal ahi u sheegeen Washington Post oo Wariyuhu wax ku qori jiray laamaha Sirdoonka Turkigi waxa ay hayaan maqal iyo muuqaal xaqiijinaya in Jamaal lagu dhexdilay Qunsuliyadda. Dawladda Turkigu goor hore ayay sheegtay in Jamaal Qunsuliyadda lagu dhex dilay taasoo horayba u dhalisay shaki ah in Turkigu hayeen caddayn ay ku kabaan sheegashadooda in Jamaal la dilay.

Dhanka kale Warbaahinta Caalamka ayaa qaadacday ka qaybgalka Shirka Maalgashiga Sacuudiga ee Riyaad ka dhacayay. CNN, Fanancial Times, The Economist, CNBC and The New York Times ayaa iska diiday aadidda Sacuudiga. Sidoo kale milkilaha Virgin Group Richard Branson ayaa joojiyay 1bilyan oo Sacuudiga ku maalgashan lahaa.

Faransiiska ayaa ayaguna Sacuudiga ka dalbaday jawaabo qotodheer wixii ku dhacay Jamaal. Maraykankana xubnood oo ka tirsan Aqalka Odayaasha ayaa Xukuumadda Trump ka codsaday in ay baaritaan ku samayso dilka Wariye Jamaal haddii ay caddaato in Xukuumadda Sacuudigu dishayna cunaqabatayn la saaro.

Dhanka kale, Sucuudiga oo ay reer Galbeedku ku daawanayeen silcinta malaayiin reer Yaman ah, ayay tani ku khasbaysaa inay tillaabo qaadaan si ay sharciyad ugu sameeyaan qiyamka anshax ee ay sheegtaan inay dunida kale ku dhaamaan, taasoo ku uumi baxda wejiyada daneed ee foosha xun, waxaana soo baxaysa halku-dheggii Joseph Stalin ee ahaa ”Dhimashada hal qof waa MUSIIBO, balse dhimashada milyan qof waa uun tiro”.

Reer Galbeedka oo haatan nuux nuuxsi bilaabay, waloow ay taa lafteedu siyaasadaysan tahay, kana baxsanayn xayndaabka siyaasadeed oo marleeyba ah waxa isku xira nidaamka aan cadaaliga iyo sharciga ahayn ee Sucuudiga iyo iyaga, waxaana ugu wacan Sucuudiga oo si nacasnimo iyo qar iska xoornimo ka muuqato u jilay film-kan dad-qalnimada ah ee ugu dambeeyay, waxaana arrinta aad usii murjinaysa tiyaatarka uu u xushay arrintaasi oo ah ciidda dal kale oo aysan weliba sidaa iskugu fiicnayn, Turkey, kaasoo oo arrintan u qaatay mid lagu gorgoriyay madax bannaanidiisa gayi iyo ixtiraamka uu mudan yahay, sida muuqatana xogtii gacanta ku haya, waloow ay sheekadan kasoo baxayso arrin uusan Turkiga laftiisu si toos ah u qiran karin oo ah inuu dhegeysan jirey ama xitaa daawan jirey Qunsuliyadda Sucuudiga.

Isku soo wadaduub oo haddii ay bannaanka u soo baxaan caddaymo muujinaya in Reer Aala Sacuud dileen Wariye Jamaal waxaa bulshada adduunku qaadi doontaa tallaabooyin adag oo horay Reer Aala Sacuud il u saarin. Reer Aala Sacuud (ma aha shacabka Sucuudiga) xasuuqii ay shacabka Yaman u gaysteen ciqaabtoodi ayaa ku bilaaban doonta Eebbe idankii.

Waxaa Diyaariyay: Cali M Diini & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media