DHISIDDA DHEXDA: Kaddib Paqueta, AC Milan oo ku jirta qaabkii ay kusoo xera gelin lahayd Leandro Paredes

0

(Milano) 13 Okt 2018 – Kooxda AC Milan ayaa isha la raacaysa laacibka Zenit St Petersburg iyo xulka Argentina ee Leandro Paredes oo ku tala jirto suuq-jiilaalka Jannaayo.

Sida uu qorayo Corriere dello Sport, maareeyaha farsamada Milan ee Leonardo ayaa durba si adag oo firfircoon uga shaqa bilaabay suuqa xiga ee kooxdaasi, isagoo Isniintoo soo afjaray heshiis ku kacay €35m iyo bareemiyo oo uu Flamengo uga soo qaatay kubad qaabeeyaha Lucas Paqueta.

Balse, intaa kuma eka oo waxaa Milan oo u baahan xoojin khadka dhexe ah sidoo kale lala xiriirinayaa laacibiin ay ka mid yihiin Rabiot, Ramsey iyo Barella, waxaa se iminka la sheegayaa in lagu jiro soo xera gelinta 24-jirka Paredes oo durba mabda’iyan ogolaaday inuu Milan usoo wareego.

Laacibkan ayaan u baahnayn la qabsiga Serie A maaddaama uu usoo dheeley kooxaha Chievo, Empoli iyo AS Roma, oo markii dambe Zenit ku siisay €23m iyo bareemiyo xagaagii 2017-kii.

Hadalsame Media