Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Al-Shabaab kala wareegay deegaan muhiim ah

0

(Muqdisho) 13 Okt 2018 – Ciidamada Millatariga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay deegaanka Basra oo u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobolada Shabeellooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada qabsaday Basra ay ka baxeen degmada Balcad Gobolka Shabeellada dhexe.

Ciidamada la wareegay Basra ayaan wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyaadka Al-Shabaab kuwaas oo waqti hore oo maanta ah isaga baxay deegaankaasi.

Cabsi xooggan ayaa soo food saartay dadka ku nool deegaanka Basra taasoo la xiriirta haddii ay dhacaan dagaalo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ee halkaasi tagay.

Ma jiro wax war oo ka baxay taliska ciidamada xoogga dalka oo ku saabsan qabsashada deegaanka Basra oo ah mid muhiim ah.

Hadalsame Media