RW Khayrre oo dalka dib ugu soo laabtay

0

(Muqdisho) 12 Okt 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib booqasho ay ku bixiyeen Boqortooyada Sucuudiga.

Waxaa wefdiga Gegada Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhoweeyay qaybo kala kala tirsan fulinta iyo sharci dejinta Soomaaliyeed.

RW Khayrre ayaa maalmihii yaraa ee tegey ku sugnaa dalkaasi Sucuudiga, isagoo kulamo la qaatay Boqorka dalkaasi Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan bin Cabdulcasiis.

Ra’iisul Wasaare kheyrre ayaa intii uu halkaasi joogey sidoo kale soo cumraystay, isagoo u duceeyay ummadda Soomaaliyeed, kahor intaanu maanta dib usoo laabanin.

Hadalsame Media