Kooxda Real Madrid oo ka carootey eed ku saabsan inay wax ogayd kufsiga lagu haysto CR7 & dacwad ay ka gudbisey wargayskii qoray!!

0

(Madrid) 12 Okt 2018 – Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in dacwad kusoo oogtey warside Portuguese oo la yiraahdo Correio da Manhã kaasoo iyaga kusoo daray eedda kufsi ee loo haysto Cristiano Ronaldo.

Baaritaanka kiiskaasi oo dhacay 2009-kii ayaa waxaa dib u furay booliiska Las Vegas, Nevada, iyadoo jookarka Juventus lagu eedaynayo inuu kufsaday gabadhaasi, taasoo ah arrin uu diidan yahay, balse aan horay loogu soo eedaynin.

Yeelkeede, warsidahan kasoo baxa Portugal ayaa qoray in Los Merengues ay arrintan ogaatey kaddibna ay iyadu ahayd cidda CR7 ku qancisay inuu bixiyo lacag gabadha looga dalbanayo inaysan dacwoonin, kahor intii aysan isaga kusoo iibsanin lacag rikoodh jebis ah, isla xagaagasi.

“Real Madrid C. F. waxay ku dhawaaqaysaa inay qaadday tillaabo sharci ah oo ka dhan ah wargayska Portuguese-ka ah ee Correio da Manhã oo daabacay xogo qayb ahaan been abuur ah, si uu u carreeyo muuqaalka naadigan,” ayay soo qortay kooxda haysata Champions League oo sheegtay inaysan wax war iyo wacaal ah arrintaa ka haynin.

Hadalsame Media