TUUGSI TABAYSAN: Muxuu ilmahaasi had iyo goor u hurdayaa? Ma aaminaysid qisadan! (Qaybtii 2-aad)

0

(London) 11 Okt 2018 – Su’aashu waxay tahay muxuu mar kasta u hurdayaa cunugga yar ee ay dhabta ku hayso haweenaydan tuugsanaysaa? Abidkaa ma is waydiisey? Jawaabtu waa ka yaab badan tahay wax kasta oo aad maan sawir ku keeni karto!

Akhristayaasha sharafta lahoow midkiin ma leeyahay carruur? Xusuuso inta ay si xiriir ah u hurdaan marka ay 1, 2 ama 3 gu’ jir yihiin? Saacad, laba, ugu badnaan seddax (aan marna weliba xiriir ahayn).

Galabtii indha guduudsi ah macquul, misna had iyo goor way dhaqdhaqaaqayaan. Bil dhan baan ag marayay saldhiggaa dhulka hoostiisa ah, marna ma arag cunuggaa oo soo jeeda! Waan eegay oo waa wiil yar oo uu wejigiisu ku aasan yahay jilibka haweenayda. Waxaa markaa igu si tartiib tartiib ah iigu dhashay shakiga ah. ”Muxuu mar kasta cunugggani u hurdayaa?” Waxaan haweenayda waydiiyay anigoo cunugga ku dhaygagsan.

Waxay haweenaydu iska dhigtay inaysan i maqal. Madaxa ayay hoos u dhigtay iyadoo wejigeeda ku qarisay kulleetiga jaakad uskag badan oo ay xirnayd. Waxaan ku celiyay su’aashii. Kaddib madaxii ayay sare u dhigtay, iyadoo meel iga dambaysa ku eegaysa indho caro la daallan. Eegmadeedu waxay u ekeeyd sida uun adduun kale kasoo dhacay.

“War bax,” ayay cod hoose oo guryan ah oo laakiin faruuryeheeda laga akhrisanayo igu tiri.

“Muxuu markasta u hurdayaa?!” ayaan waydiiyay anigoo ooyi gaarey.

Gadaashayda, ayuu qof taagani gacan garabka iga saaraye. Gadaal baan u jalleecay, saa waa oday wayn oo weji eedi ka muuqato igusoo eegaya.

“Maxaad islaanta ka rabtaa? Miyaadan ujeedin sida ay noloshu ugu adag tahay? Wah?”

Jeebka ayuu qadaadiic dhowr ah kasoo saaray, kaddibna wuxuu sidii dhagxaan ugu tuuray koobkii macmalka ahaa ee mar adeegsiga ahaa.

La soco qaybta 3-aad…

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media