(Moscow) 11 Okt 2018 – Laba daqiiqo uun ka yar markii la ganay ayuu hallaabay gantaalkii sidey dayax gacmeed ku xiran lahaa Saldhigga Caalaamiga ah ee Hawada Sare, waxaana dadkii saarnaa khasab ku noqotay inay dib ugusoo laabtaan dhulka iyagoo u dhexeeya geeri iyo nolol.
Duullimaadkan oo la yiraahdo Sahan 57 ayaa Hawada Sare u qaadi lahaa Cirbixiyeennada Aleksey Ovchinin oo Ruushka u dhashay iyo dhiggiisa Nick Hague iyagoo saarnaa markab-cireedka la yiraahdo Soyuz MS-10.
Yeelkeede, markii ay 119 ilbiriqsi oo qura hawada ku maqan yihiin oo weli loo wada jeedo ayaa waxaa timi cillad halis ah oo keentay inay deg deg u fikiraan si ay gantaalka sida iskaga jaraan inta aanu ku qarxin, isla markaana dib dhulka ugu soo laabtaan, taasoo lagu guulaystay.
The crew is returning to Earth in a ballistic descent mode. Teams are working to obtain additional information from our Russian partners. Watch live updates: https://t.co/mzKW5uDsTi pic.twitter.com/kWigYS1gU4
— NASA (@NASA) October 11, 2018

Hadalsame Media