XOG: Lucas Paqueta oo haatan caafimaadka u maraya AC Milan (Wararkii ugu dambeeyay)

0
RIO DE JANEIRO, BRAZIL - JULY 21: Lucas Paqueta (L) of Flamengo struggles for the ball with Rodrigo Lindoso of Botafogo during a match between Flamengo and Botafogo as part of Brasileirao Series A 2018 at Maracana Stadium on July 21, 2018 in Rio de Janeiro, Brazil. (Photo by Buda Mendes/Getty Images)

(Rio de Janeiro) 10 Okt 2018 – Sida uu baahinayo Sky Italia waxaa haatan la hubaa in Lucas Paqueta uu usoo wareegayo AC Milan isagoo haatan caafimaadka ku maraya Galbeedka magaalada Rio de Janeiro.

Cahê Mota, oo ah weriye ka tirsan Globoesporte.com, ayaa hadda dhow bartiisa Twitter kusoo qoray warar dheeraad ah oo ku saabsan Lucas Paquetà isagoo yiri: “Aan woxoogaa caddayno qaabka heshiiska Paqueta, dhanka xisaabta wuxuu laacibku ku kacayaa €35m oo bareemiyo lagu darayo. Flamengo oo leh 70% milkiyadda laacibka ayaa sidaa ku qaadanaysa €25m oo euro.”

Saaka ayay warbaahinta Brazil lasoo kallahday heshiiska balse imimka Sky ayaa werinaya inuu gebi ahaanba dhamaaday heshiiska laacibka oo Rossoneri kusoo biiraya bisha Jannaayo. Sky ayaa sheegaya in Lucas Paqueta uu saxiixayo qandaraas 5 sanadood ah oo uu sanadkii ku qaadanayo 1,5-1,7 milyan oo euro.

Milan ayaa helitaanka laacibkan 21-jirka ah ee kubadda dhisa ku gubtey kooxo ay ugu horreeyeen Liverpool iyo Paris Saint-Germain.


Hadalsame Media