”Ronaldo waa lagu been abuurtay!” – Qarreenkiisa oo sheekada weji kale u yeelay!

0
AppleMark

(Torino) 10 Okt 2018 – Qarreenka Cristiano Ronaldo ayaa soo saaray bayaan uu ku sheegayo in eedaymaha ka dhanka ah macmiilkiisa ee lagu qoray warsidaha Der Spiegel ay yihiin xogo la qalloociyay oo gebi ahaanba la been abuuray.

Majaladda Jarmanka ah ayaa qortay sheekadan oo ay kasoo xigatey gabadha dharka xayaysiiisa ee Kathryn Mayorga, oo sheegtay inuu Ronie 2009-kii kufsaday, isla markaana aanay jirin heshiis lagu siiyay magdhow looga beddeshey aamuskeeda, iyadoo la sheegay in la siiyay $375,000 iyadoo qaab xeer jajab ah loogula heshiiyay inaysan waxba sheegin.

“Marka la eego in uu dhinac heshiiskii ku xad gudbey, weliba lasoo jeediyay eedaymo xanaf leh, khiyaar kale ma harin aan ka ahayn in Mr Ronaldo lagu khasbay inuu jawaabo oo u jawaabo si saami gal la ah eedaha loo jeediyay.” ayuu yiri qarreenku.

“Aan mid caddeeo, Cristiano Ronaldo wuxuu si aan leexleexad lahayn u beeninayaa eedaymahaas. Dokumantigu wuxuu ka kooban yahay warar la leeyahay waxaa sheegay Mr Ronaldo oo gebi ahaanba la macmalay lana been abuuray.” ayuu raaciyay qarreenka oo ku dooday in heshiiska xeer jajabka ihi uusan ka dhignayn inuu Ronie khalad qiranayo balse ay kaliya ku timid talo lagu siiyay inuu kiiskan gebi ahaanba iska xiro.

Hadalsame Media