”Qofkii na daandaansada wuu na eedaa” – Putin oo ka hadlay foowdadii xigtey feerkii Khabib + Sawirro

0

(Ulyanovsk) 10 Okt 2018 – Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ayaa “inuu qof kasta sidaa yeeli lahaa” isagoo tixraacayay falkii uu sameeyay feeryahanka Khabib Nurmagomedov markii uu weerar ku qaaday kooxda Conor McGregor, kaddib guushii uu ka keenay ninkan Irish-ka tartankii UFC 229.

Putin ayaa hadlayay mar uu kulan hambalyayn ah la qaatay feeryahanka Jamhuuriyadda Dagestani ee ka tirsan xiriirka Ruushka, isagoo ku amaanay guushii Nurmagomedov “u qalmey” ee uu ka gaarey McGregor oo Las Vegas ku ciyaaree Sabtigii.

© Sputnik / Mikhail Klementyev
Sawirka: Kulanka Putin, Khabib iyo aabihii

Feerka kaddib ayaa se meesha waxaa ka dhacay fadqalallo laga qurux badnaa – kaddib markii Nurmagomedov riingaha kasoo boodey si uu ula dagaalo kooxdii McGregor gaar ahaan Dillon Danis, kaddib markii sida caddayd la daandaansaday – Putin ayaana sheegay in waloow ay fiican tahay in la is xakameeyo, “uu misna qof kasta sidaa riingaha uga soo boodi lahaa.”

“Haddii dibedda nakala soo weeraro, adiga qura maahane, kulligeen sidaa baannu u boodi lahayn…Waa nala eedayaa,” ayuu yiri Putin oo la sheekaysanayay Khabib iyo aabihii Abdulmanap oo isaga la fadhiyay, kulan ka dhacay madasha Country of Sports, oo lagu qabtay magaalada Ulyanovsk.

“Balse waxaan fiican inaan heerkaa la gaarin,” ayuu Putin soo jeediyay, waxaana la arkayay Khabib iyo aabihii oo ogolin madaxa u gundhinaya.

 

View this post on Instagram

 

Чего не хватает ?)

A post shared by Khabib Nurmagomedov (@khabib_nurmagomedov) on

Hadalsame Media