NEW YORK TIMES: ”Weriye Khashoggi waa la khaarajiyay waana la jarjaray!”

0

(New York) 10 Okt 2018 – Sucuudiga ayaa la sheegay in ay soo direen 15 nin oo gaar ah oo loo xil saaray inay dilaan weriyaha mucaaradka ah ee Jamal Khashoggi oo la waayay kaddib markii uu galay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, sida uu qoray The New York Times.

Kooxdaasi ayaa la sheegay in loo keenay inay khaarajiyaan weriyaha iyagoo ku yimid 2 dayuuradood, wuxuuna warsiduhu sheegayaa in ninka markii la diley kaddib la googooyay oo la suurad xumeeyay oo wejiga laga bedeley, iyadoo lasoo xiganayo saraakiil sare oo aan la xusin magacooda.

NY Times ayaa intaa raacinaya in howlgalka khaarajinta weriyaha lagu dhameeyay 2 saacadood, kaddibna waxay ka dhoofeen Turkey, “waa sida Pulp Fiction,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka mid ah dembi baarayaasha Turkish-ka oo tixraacaya film Hollywood ah oo aad u ba’an oo action ah oo uu 94-kii keenay aktarka Quentin Tarantino.

Hadalsame Media