Gabar weriye ah oo inta la kufsaday kaddibna la diley! (Eedaysanihii oo Jarmanka lagu qabtay)

0

(Ruse) 10 Okt 2018 – Eedaysanaha loo haysto dilka weriye u dhalatay Bulgaria oo dabagalka samayn jirtey oo la yiraahd Victoria Marinova ayaa lagu qabtay dalka Jarmanka, iyadoo ay baarista hordhaca ihi muujinayso “inuu weerarku kufsi ku salaysnaa” sida lagasoo koobiyay dacwad oogaha.

Ninka la qabtay oo ku jira da’da labaatameeyada ayaa la xirey kaddib markii la helay cadaymo dhanka hidde-sidaha ah iyo waxyaabo kale oo laga helay goobta dembigu ka dhacay, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mladen Marinov.

© Facebook / Виктория Маринова
Gabadhan ayaa dabagal ku haysay musuqa Midowga Yurub

Waxaa ninka lagu sheegay Severin Krasimov, oo ku nool meel aan kaba fogayn goobta dembiga, wuxuuna usoo baxsaday Jarmanka kahor inta aan lagu qabanin halkaasi, sida ay baahinayso saxaafadda maxalliga ihi.

Maydka gabadha weriyaha ah ee Marinova oo 30-jir ahayd ayaa todobaadkii hore laga helay jid lagu rucleeyo magaalada Ruse, Bulgaria, iyadoo ka muuqdaan “dhaawacyo halis ah” waxaana ninkan lagu xukumi karaa 25 ilaa xabsi daa’in madaxaa haku furto ah haddii dembiga lagu helo. Dilka gabadhan ayaa markii hore lala xiriirinayay shaqadeeda ah dabagalka Midowga Yurub.

Hadalsame Media