SAWIRRO: Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah

0

(Muqdisho) 09 Okt 2018 – Dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa kala saxiixday heshiisyo taariikhi ah waxaana heshiisyadan oo gaaraya labo heshiis la sheegay inay xoojinayaan iskaashiga labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa la saxiixay heshiisyadan safiirka Germany ee Soomaaliya Marwo Annett Günther kadib munaasabad lagu qabtay Muqdisho.

Waxaa Munaasabadda goobjoog ka ahaa diblomaasiyiin badan oo ka kala tirsan labada dal, waxaana Heshiisyada la saxiixay ka mid ahaa iskaashiga dhanka Maaliyadda kaasoo uu ku baxaya qarash dhan 15 milyan oo yuuro iyo heshiis kale oo quseeya iskaashi Farsamo oo sidoo kale isna ay ku baxayso 9.7 milyan oo yuuro.

Heshiisyadan waxaa qeyb ka ahaa boqol milyan oo Jarmalku ku taageerayo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadalsame Media