SAWIRRO: Adigoo dalkaagii ka cararay ayaa haddana hor jiifanaya saldhig Booliis si laguu XIRRO

0

(Muqdisho) 09 Okt 2018 – Waa boqolaal Muhaajiriin ah, waana magangalyo doon kadib markii ay ka soo carareen dalalkoodii. Waxay xero kahor sameysteen saldhig Boolisku leeyahay oo ku yaala Giriiga (Greece) waxayna rajeynayaan in la xir xiro islamarkaana kiisaskooda loo maareeyo si sharci ah.

Muhaajiriinta ayaa seexday dhulka iyagoona dhigtay bustayaal iyo allaabo kale. Tani waxay ka dhacday Magaaladda labaad ee ugu weyn dalka Giriiga ee la yiraahdo Thessaloniki.

Markii hore, muhaajiriinta ayaa saf dheer u galay saldhiga Booliska hase ahaatee markii cid la hadasha ay waayeen ayay door bideen inay banaanka saldhiga seexdaan.

Waxay dalbadeen inay helaan Hoy maadama ay soo dhaw yihiin billihii roobka oo aysana heysan meel ay degaan.

Dadkaan muhaajriinta ah ayaa ka soo gudbay dalka Turkiga halkaas oo qofkiiba laga qaatay lacag ku dhaw sadex kun oo dollar si Giriiga loo geeyo, waxaana muhaajiriinta ka mid ah kuwa ka tagay dalal ku yaala qaaradda Afrika.

Hadalsame Media