Maxaa ka jira inay luntay caddayntii kufsiga Ronaldo lagu eedaynayo? Gabar caan ah oo difaaciisa u istaagtey!!

0

(Las Vegas) 09 Okt 2018 – Booliiska Las Vegas, Nevada, ayaa beeniyay warar maalmahan soo baxayay oo sheegayay in ay lumeen caddaymihii lagu xoojin lahaa kiiska kufsiga ah ee lagu eedaynayo Cristiano Ronaldo.

Baaritaankan ayaa dib loo furay kaddib markii ay gabadha dharka xayaysiisa ee reer Maraykan ee Kathryn Mayorga ay arrintan lasoo qaadday warsidaha German-ka ah ee Der Spiegel, iyadoo sheegtay in aanu jirin heshiis ay 2009-kii saxiixday oo ku khasbaya inay aamusto.

Warsidaha Portuguese-ka ah ee Observador oo la xiriirey afhayeenka Las Vegas Police Department, ayay booliisku uga hadleen inay been tahay in la waayay caddayntii kiiskan.

“Caddayntu ma lumin, waa sidii aannu usoo helnay 2009-kii, welina waxay ku jirtaa gacanteenna. Tafaasiisha uma geli karno, waayo weli ma aynaan go’aansan xilliga aannu u yeerayno Ronaldo maaddaama uu dalka ka maqan yahay, balse marka qof lasoo eedeeyo waa inaan si gaar ah eedaysanaha ula hadalnaa,” ayuu yiri Jacinto Rivera oo dhanka kale sheegay inay weli xog ururin ku jiraan oo aysan dacwad rasmi ah soo gudbin.

Yeelkeede, qarreenka Mayorga oo la la yiraahdo Leslie Stovall ayaa xaqiijisay inay qaadayaan tillaabo la yaab leh oo ah inay xiriir la sameeyaan qaar ka mid hablihii saaxiibka la soo noqday Ronaldo, taasoo ay rumaysan yihiin “inay sawir ka siin karto hab-dhaqanka Ronaldo.”

Waxaa se dhankaa durba ka timid jawaab, kaddib markii ay hadashay weriyaha Talyaaniga ah ee Raffaella Fico oo iyadoo u warramaysa RAI 1 sheegtay inay la yaaban tahay waxa lag sheegayo Ronie.

“Waxaan saaxiib la ahaa Cristiano Ronaldo 11 bilood, xilligii uu u dheelayay Manchester United, had iyo goorna wuxuu ahaa nin deggan oo akhyaar ah,” ayay ku doodday Mrs Fico oo gabar u dhashay Mario Balotelli, oo ay wada joogeen xilligiisii Manchester City, min Juun 2011 ilaa Abriil 2012.

Hadalsame Media