Maraykanka oo Sucuudiga u jeediyay inay taageeraan baaritaanka ay Turkigu ku samaynayaan kiiska weriyaha maqan

0

(Washington, DC) 09 Okt 2018 – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Mike Pompeo ayaa Sucuudiga ugu baaqay in taageeraan in “baaritaan guud” lagu sameeyo weriyaha la waysan yahay ee Jamal Khashoggi, oo la waayay kaddib markii uu galay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul todobaadkii tegey.

Warkan ayaa imanaya ka gadaal markii ay Washington Post ku boorrisey dowladda Maraykanka “inay jawaab ka dalabto” Sucuudiga, taasoo ku aaddan kiiska Khashoggi – oo ah nin maqaallo ku qora wargaysyo caalami ah.

Khashoggi ayaa lagu yaqaanney qoraallo lid ah oo uu kaga soo horjeedey nidaamka kali taliska ah ee Riyaad, wuxuuna iskii iskugu soo rogey musaafuris, isagoo tan iyo Sebtembar 2017 ku noolaa dalka Maraykanka, kaddib markii uu mucaaradka beegsaday MBS.

Warsidaha New Yorker ayaa sheegain in qoraalkiisii ugu dambeeyay uu bishii Agoosto ku sheegay in uu naftiisa u baqayo. Khashoggi ayaa sidoo kale aad u diiddanaa dagaalka uu Sucuudigu ka wado Yemen.

Hadalsame Media