IMAARAATKA: Aabohood ayay BUUFIN ku xireen kaddibna hawada ayay u direen, kaddib maxaay dhacay? (Daawo)

0

(Dubai) 09 Okt 2018 – Arrintan ayaa la sheegay inay ka dhacday dalka Imaaraatka Carabta, waana dhacdo dhakafaar adag ku riddey intii aragtay ama maqashay.

Waxaa la sheegay in wiilal Imaaraati ihi ay doonayeen inay aabohood u dhigaan xaflad dhalasho, taasoo lafteedu ah dhaqan dhowaan gal ku ah dalkaasi oo Muslim ah.

Dabeeto waxay odaygii ku xireen buufinno ay isku xirxireen oo kaddibna hawada ayay geliyeen, iyagoon ka fikirin inuu xitaa buufinku lasii geli karo hawada fog ee uu cadaadiskeedu adag yahay, in uu buufinka laftiisu dillaaci karo marka uu u ban boxo cadaadiska hawo ee culus, in markasta oo hawada lasii galo uu ogsijiinku gabaabsi noqonayo iwm.

Si kastaba, odaygii ayaa fogaadey, waxaana muuqaalka laga arkayaa isagoo uu humaaggiisu sidii shimbir noqday, waxaana markii dambe la sheegay in isagoo bestii ah oo dhaawacyo qaba laga helay buur ku taalla dalka Cumaan.

Halkan hoose ka DAAWO…

Hadalsame Media