Google oo markale CEEBOOBEY & adeegga Google+ oo la xirayo!! (Maxaa dhacay?)

0

(Mountain View) 09 Okt 2018 – Google ayaa xiraya adeegga Google+ ee isku xirka bulshada kaddib markii uu dhacay khalad keenay inay shaacaan xogo gaar ahaa oo ay lahaayeen adeegsadayaasha kumannaan qof gugii hore, taasoo aysan shirkaddani horay dadka ugu shaacin.

Google ayaa “musmaarkii ugu dambeeyay ku dhejinaysa naxashka” adeegga Google+ oo laga xirayo “dhanka adeegsiga,” sida uu qorayo warsidaha Wall Street Journal oo soo xiganaya qoraal xusuuseed sir ah.

Barnaamihka Google+ oo la bilaabay 2011-kii si ay Google ugula tartanto baraha kale ee bulshada ayaa fashil ku dhamaaday, kaddib markii uu dhacay khalad keenay inay gacmaha 3-aad galaangal u yeeshaan helitaanka magacyada, email-lada, taariikhaha dhalashada, jinsiga, shaqada uu qabto, xogaha khaaska ah iwm.

REUTERS/Eric Gaillard/Illustration/Files
Maxkamadda sare ee UK oo baloogtay dacwo ka dhan ah Google

Arrintan ayaa sumcad darro u keentay Google oo ilaa xad ka dhuumanayay duufaanta ku kacsanayd Facebook kaddib fadeexaddii Cambridge Analytica.

Hadalsame Media