DERBY-GII SAGAALKA: Crespo oo qiimeyn daqiiq ah ku sameeyay midka wanaagsan Higuain & Icardi

0

(Milano) 08 Okt 2018 – Laacibkii hore ee Inter iyo Milan ee Hernan Crespo ayaa qiimayn 10 ku qotonta siiyay Mauro Icardi iyo Gonzalo Higuain isagoo ka eegay dhowr meelood oo ay ciyaarta uga lug yeeshaan.

Kaddib biririfta caalami waxay dunidu wada dhoowraysaa Derby della Madonnina oo ka mid ah ciyaaraha heerka kooxeed ee aan marna dhadhanka luminin, waxayna sanadkan saxaafaddu durba siisay naanaysta ”Derby-gii lambar sagaalka” oo waxaa isku haya labadan laacib ee Argentinian-ka ah.

Crespo oo labada naadiba usoo dheeley ayaa 35 gool u dhaliyay xulkiisa Albiceleste oo uu 64 kulan u saftay, haddaba Crespo oo u warramay Gazzetta dello Sport, ha qiimeeyo meelaha ay ku kala fiican yihiin labadan shiishaa:

LUGTA MIDIG: Min 8 labadaba.

KUBADDA MADAXA: Icardi 9, Higuain 8

LUGTA BIDIX: Icardi 9, Higuain 7

BAXAALLIGA KU DHALADKA AH EE GOOL DHALINEED: Min 9 labadaba.

TOOGTA DIILINTA BANNAANKEEDA: Min 8 labadaba.

KA QAYB QAADASHADA CIYAARTA: Higuain 8, Icardi 7.

DHANKA GOOYSMADA: Higuain 9, Icardi 8.

WAAYA ARAGNIMADA CAALAMIGA AH IYO YURUB: Higuain 9, Icardi 8.

Haddaba maxay adiga kula tahay?

Hadalsame Media