SAWIRRO: Wararkii ugu dambeeyay doorashooyinka dalka Brazil

0

(Rio de Janeiro ) 08 Okt 2018 – Musharaxa xisbiga midigta fog, Jair Bolsonaro ayaa ku guulaystay wareega hore ee doorashoyinka dalka Baraasiil (Brazil), waxaana uu tartan adag la gali doonaa musharaxa kale ee bidixda fog Fernando Haddad.

Doorashada labadan nin ayaa lagu wadaa inay dhacdo dhamaadka bishaan Oktoobar. Codadkii la tiriyay ayaa Mr. Jair Bolsonaro waxaa uu helay wareegga hore 46% halka Mr. Haddad uu helay 29% cod.

Laakin goor sii horeysay ayaa saadaal la sameeyay waxay soo baxay in labadan hoggaamiye ay gali doonaan doorasho aad u adag. Jair Bolsonaro, ayaa mar ka mid ahaa xibisga Social Liberal Party (PSL).

Laakin Jair Bolsonaro waxaa uu taageero xoog leh ku dhex leeyahay ciidamada qalabka sida ee dalka Brazil, waxaana la saadaalinayaa inuu noqon doono guulaystaha xilka madaxwaynaynenimo marka la gaaro doorashada kama dambeysta ah ee wareega labaad oo dhici doonta 28 bishaan Oktoobar.

Hadalsame Media