Ganacsatada Muqdisho oo baaq diray Dowladda iyo Maamulka gobolka Banaadir (Sababta)

0

(Muqdisho) 08 Okt 2018 – Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho ayaa walaac ballaaran ka muujiyay burcad abaabulan oo dhac iyo dhibaato ka gaysata gudaha suuqa waxayna dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir ugu baaqeen inay wax ka qabtaan amni xumadda ku soo korartay suuqa.

Koox burcad ah oo mararka qaar kood ku labisan dharka ciidamada ayaa maalmihii ugu dambeeyay gudaha suuqa ka gaystay dhac iyagoona dharaar cad boobay bakhaaro iyo dukaamo ku yaala suuqa gaar ahaan qeybta sarifka.

Ganacsatada ayaa shaki galiyay sii socoshada howlmaalmeedka suuqa iyo ganacsigooda haddii aan wax laga qaban dhibaatada soo korartay.

Waxay sheegeen inay yihiin canshuur bixiyaal islamarkaana dowladda looga baahanyahay inay qaadato masuuliyaddeeda oo haddii ay canshuurta bixiyaan ganacsatadu ay xaq dowladda ugu leeyihiin inay amnigooda iyo maalkooda illaaliso.

Burcadda abaabulan oo aan ahayn ku eg Soomaaliya ama Muqdisho oo kaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sii kordhayay xaafadaha caasimadda iyagoona dadka ka qaadanaya wax walba oo ay sitaan sida Moobeeladda iyo lacagaha, halka mararka qaar koodna ay nafta dhaafiyaan dhibanayaasha ay baaranayaan.

Hadalsame Media