Da’yarta u taagan abaal marinta Ballon D’or oo la magacaabay! + Sawirro

0

(Paris) 08 Okt 2018 – Waxaa ugu badan oo seddex laacib ku leh horyaalka Serie A, laacibiinta da’yarta ah ee u sharraxan abaalmarinta cusub ee Trophée Kopa, taasoo lagu soo daray abaalmarinta Ballon d’Or, si loo qiimeeyo laacibka 21-jirka ka yar ee dunida ugu wanaagsan.

Abaalmarintan oo uu bixinayo warsidaha France Football, ayaa waxaa go’aaminaya guddi ka kooban 33-nin oo ay ka mid yihiin Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Waxaa haddaba lagu dhawaaqay 10-ka musharrax ee u taagan waxaana ka mid ah Mbappé, Cutrone iyo Donnarumma, iyo Justin Kluivert ee hoos ka eeg.

Musharrixiinta Trophée Kopa:

Houssem Aouar [Lyon], Trent Alexander-Arnold [Liverpool], Patrick Cutrone [Milan], Ritsu Doan [FC Groningen], Gianluigi Donnarumma [Milan], Amadou Haidara [RB Salzburg], Justin Kluivert [Roma], Kylian Mbappé [Paris Saint-Germain], Christian Pulisic [Borussia Dortmund], Rodrygo [Santos]

Hadalsame Media