QAL JABAN: Maraykanka oo qorsheeyay inuu weerar NUKLIYEER ah ku qaado dalka Vietnam!! (Sir culus)

0

(New York) 07 Okt 2018 – Taliyaha ciidamadii Maraykanka ee Vietnam ayaa iminka dibedda soo dhigay galal sir qaran ahaa oo ay ku qoran tahay inuu Maraykanku qorsheeyay inuu nukliyeer u adeegsado nidaamkii Shuuciga ahaa ee Woqooyiga Vietnam, kahor inta aanu joojinin madaxwayne Lyndon B. Johnson.

Jeneraal William Westmoreland, oo abaanduule u ahaa ciidamadii Maraykanka ee ka dagaallamayay Vietnam min 1964 ilaa 1968-kii, ayaa amray in qumbulad lala dhaco dalkaasi, waxaana ka war helay La Taliyihii Amaanka Qaranka, Walt W. Rostow, oo arrintaa ogaysiiyay Aqalka Cad, taasoo soo dedejisey inuu qorshahaa kansalo madaxwayne Lyndon B. Johnson, kaasoo sababi lahaa Dagaal 3-aad oo dunida ka qarxa sida lagu qoray warbixin dheer oo uu sido New York Times. 

US troops during nuclear tests in Nevada. April 1952 © Intercontinentale
Waxaa jirey siro hore oo sheegayay inuu Maraykanka qorshahan oo kale u dejiyay Soofiyeetkii hore iyo Shiinaha

Kaddib markii ay foodda gelin waayeen iska caabbintii Ciidamada Woqooyiga Vietnam, gaar ahaan dagaalkii degaanka Khe Sanh, wuxuu Jen. Westmoreland hindisey in lagu rido hubka halista ah ee Nukliyeerka, haddii ciidamadooda la dardaro.

Qorshahan oo sir ahaa laguna magacaabay ”Qal Jaban” ayaa hubka nukliyeerka looga soo qaadi lahaa jasiiradda Okinawa, ee dalka Japan, iyadoo loosoo daabulayo Koonfurta Vietnam oo Maraykanka taageersanayd, wuxuuna howlgalkaa oo hoos imanayay hoggaanka taliska Badda Deggan gaar ahaan Admiraal Ulysses Simpson Grant Sharp Jr.

Waxaa jirey siro hore oo sheegayay inuu Maraykanku qorshahan nukliyeerka ah oo kale u dejiyay Soofiyeetkii hore iyo Shiinaha.

Hadalsame Media