Malla kulantay Magool, Saado Cali & Maandeeq ee deeto ma EEDDAY?!! (Qiso qiime badan!)

0

(Hadalsame) 07 Okt 2018 – Weligaa adiga oo inan yar ah ma la guu diray koodhadh la ga soo qaadayay doobbi (labandaayo) keliya ee Xamar ku taallay ee dharka caynkaas ah la gu buufin jiray ee Shabeelle.

Lacag badan oo kuu soo hadhi doonta oo aad filin ku geli doonto adiga oo ku faraxsan meeshii ma tagtay. Qofkii kaa horreeyay inta loo adeegayo adiga oo sugaya dhabarkaaga ma ka maqashay dumar isu xiiso qaba sheekadooda.

Dib ma u jalleecday. Ma noqdeen Magool, Maandeeq iyo Cunnaabi oo wada socda. Hadda saddexdiiba! Saddexdii halyeey ee aad fankooda iyo jiritaankooda oo dhan jeclayd. Indhahaaga ma rumaysan wayday.

Ma ka la badbadatay oo dhulkii ma ku sidi kari waayay ama adigu ma ku joogi kari wayday. Si aad u salaanto, si aad u la hadasho, si aad u ga aamusto, si aad u eegto, si aad u ga jeesato iyo wax aad samaysaba ma garan wayday.

Ma hadal iyo dhaqaaq daysay oo ma dhididday uun. Waqti aad kun sannadood ku qiyaastay ka dib ma ku war heshay Maandeeq oo labadeeda calaacalood labada dhaban kaa ga haysa oo ku leh: “Eeddo, fariidow, annaga ayaa kaa waaweyn ee ma kaa horreynnaa?” Haa-dii waajibka ahayd intii aanay kaa soo bixin ninkii meesha hayay ma ku gu magac doontay.

“War yarow, u bannee fannaaniinta. Ma kasaysid miyaa?” Faadumo oo dareentay in libta la gaa riixanayaa si naxariis leh ma kuu dhunkatay, Saado iyo Xaliimana madaxa ma kuu salaaxeen oo ma ku weyneeyeen. Markii ay meesha ka baxeen cabbaar dhan ma u qaadan la’ayd in aad saddexdaa ruux oo wada socda is ku mar la kulantay. Dhanka kalena ma illaawi wayday nacaskaa finnaxaarka ah ee libta kaa jiitay.

Carruurta Soomaalidu dulmiga ay qabto intaas baa u gu yar. Dadka waaweyni iyaga ayaa is arka ee carruurta ma arkaan.

Qalinkii: Ibraahim Hawd-Yuusuf

Hadalsame Media