Brett Kavanaugh oo loo dhaariyay guddoomiyaha Maxkamada sare ee Maraykanka

0
Supreme court nominee Brett Kavanaugh testifies before the Senate Judiciary Committee on Capitol Hill in Washington, DC on September 27, 2018. - University professor Christine Blasey Ford, 51, told a tense Senate Judiciary Committee hearing that could make or break Kavanaugh's nomination she was "100 percent" certain he was the assailant and it was "absolutely not" a case of mistaken identify. (Photo by Andrew Harnik / POOL / AFP) (Photo credit should read ANDREW HARNIK/AFP/Getty Images)

(Washington) 07 Okt 2018 -Fadeexo, Murran iyo is jiid jiid badan kadib, Brett Kavanaugh ayaa noqday guddoomiyaha maxkamadda sare ee Maraykanka.

Golaha Aqalka Sare ee Maraykanka ayaa muran iyo dood badan kadib waxay u codeeyeen in Brett Kavanaugh uu noqdo guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalkaasi, waxaana taasi ay fursad wanaagsan u tahay Madaxwayne Trump oo hadda ku jira ololaha doorashada xilliga dhexe ee dalka Maraykanka.

Si dirqi ah ayuu codka ugu guulaystay Brett Kavanaugh waxaana uu helay 50 cod halka ay iska diideen 48 mudane.

Magacaabistiisa waxaa hareeyay doodo kulul oo ku saabsanaa inuu gabood fal xagga jinsiga ah ku sameeyay tiro haween ah, hase ahaatee Madaxwayne Trump ayaa eedahaasi ku tilmaamay kuwa ay abaabuleen xubno ka tirsan xisbiga dimuquraadiga, wuxuuna yiri waa “Arragti Shirqool,”

Hadalsame Media