Afar qodob oo uu wax ka qaban karo Mukhtaar Rooboow

0

(Hadalsame) 07 Okt 2018 – Sh. Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horey uga tirsanaa Ururkii Al-Shabaab isla markaasna dhawaan isku soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku soo taagay xilka musharaxnimo ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Sh. Mukhtaar Roonow Abuu Mansuur ayaa Baydhabo kaga dhawaaqay inuu xilkaas u taagan yahay uuna Baarlamaanka Koonfur Galbeed ka codsanayo inay ku taageeraan.

Haddaba waxaa is waydiin mudan, muxuu Roobow kusoo kordhin karaa Deegaanada Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka taliyo ilaa Seedex Gobol oo kala ah: Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose waana seddex Gobol oo lagu tiriyo inay kamid yihiin meelaha ugu badan ee Soomaaliya  wax soo saarkeedu uu ku jiro.

Haddii uu Roobow kusoo baxo Koonfur Galbeed isla markaasna loo caleemo saaro waxaa la filayaa inuu Deegaanadaas kusoo kordhiyo Shan qodob oo kala ah:

Al-Shabaab:  Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur haddii uu Madaxweyne u noqdo Koonfur Galbeed waxaa suutageli doonto in Al-Shabaab laga waayo ama laga ciribtiro seddexda Gobolka ee uu Maamulkaan ka tiliyo oo la ogyahay inay hadda Al-Shabaab aad ugu xooggan yihiin.

Roobow Abuu Mansuur oo ah nin horey uga tirsanaa Ururkaas, wuxuu aqoon buuxda u leeyahay meelaha ay Al-Shabaab ka jilicsan yihiin, sida loo wajihi karo iyo qaabka ugu fudud ee loola dagaalami karo.

Niyad jab weyn ayey Al-Shabaab ku noqon doontaa inuu Roobow noqdo Madaxweyne Koonfur Galbeed maadaama ay ogyihiin inuu Roobow yahay hoggaamiye dhiiragelin badan isla markaasna keesan karo ciidamo daacad u ah.

Qabiilada:  Koonfur Galbeed waxaa ka jiro loolan adag oo u dhaxeeyo Qabiilada halkaas ku midoobay, waxaana suurtageli doonto in xal waaro loo helo arrintaan isla markaasna ay midoobaan dhammaan Beelaha isla dhistay maamulkaas haddii uu Madaxweyne noqdo Roobow oo ah nin ay ka heybeyteen dadka Koonfur Galbeed.

Deegaanada Maamulka:  Seddexda Gobol ee uu maamul Koonfur Galbeed ka taliyo waxay kamid yihiin Gobolada ugu wax soo saarka badan dalka, saas oo ay tahayna way dayacan yihiin mana jirto cid ku dhiiran karto inay maalgeshi ku sameysato maadaaama ay halkaas ku xooggan yihiin Ururka Al-Shabaab oo aan horumar u ogoleyn deegaanadaas.

Haddii uu Roobow meesha soo galo waxaa suurtageli doonto in Al-Shabaab halkaas laga sifeeyo isla markaasna ay soo baxdo fursad deegaanadaas lagu maalgashto ayna u noqdaan meelaha ugu badan laga soo saaro dakhliga dalka.

Haddii ay taas dhacdana waxaa sare u kici doonto dhaqaalaha ay helaan dadka deegaanada Koonfur Galbeed ku nool waana hiigsiga ugu weyn oo ay leeyihiin.

Ciidamo:  Haddii uu Roobow noqdo Madaxweynaha Maamulka  Koonfur Galbeed waxaa suurtageli doono inuu maamulkaas helo ciidamo daacad ah, Balwad laheyn, laguna aamini karo dalka iyo Koonfur Galbeed intaba.

Roobow Abuu Mansuur wuxuu caan ku yahay inuu dadka ka dhaacdhacsiiyo Fikradiisa iyo sida uu wax u rabo,  wuxuuna awood buuxda u leeyahay inuu abuuro Ciidamo ay leedahay Koonfur Galbeed kuwaas oo aan lamid aheyn kuwa hadda joogo oo aan laheyn awood ay isaga celiyaan Al-Shabaab sidoo kalana ay ku sugaan amniga Koonfur Galbeed maadaama ay yihiin kuwa aan gelin Mas’uuliyad.

Waxaa diyaariyey: Cabdullaahi Ibraahim Yarow

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraaga ku saxiixan

Hadalsame Media