FAL & FAL-CELIN: Maraykanka oo Israel siinaya F-35 dheeraad ah kaddib markii ay Suuriya heshay S-300 + Sawirro

0

(Washington, DC) 06 Okt 2018 – Maraykanka ayaa sida la soo werinayo Israel ku hubayn doona raxamo dheeraad ah oo ah dayuuradaha F-35, kaddib markii uu Ruushku uu Suuriya siiyay hannaanka casriga ah ee gantaalaha S-300.

Moscow ayaa ka dabaaqaysay dayuurad basaas ah oo Il-20 ah oo ay rideen ciidamada Suuriya, balse ay uga gambatay dayuurad ay Yuhuuddu leedahay, taasoo ka caraysiisay Ruushka.

Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump oo taa ka fal-celinaya ayaa guddoonsadey inay gacan siiyaan wax ay ku sheegeen ”ologga ugu dhow adduunka” kaddib markii uu la tashaday “maamulka sare ee ciidamada iyo siyaasadda,” sida ay sheegtay DEBKAfile, oo ah web ka shaqeeya arrimaha siraha ciidamada oo xiriir la leh sirdoonka Israel.

FILE PHOTO: An Israeli Air Force F-35 © Amir Cohen
Israel ayaa dayuuradahan oo raadeerka ka dhuunta u adeegsan karta weerarro cusub oo Suuriya ah

Israel ayaa dayuuradahan oo raadeerka ka dhuunta u adeegsan karta weerarro cusub oo Suuriya ah, jeer sida warka loo yiri uu Ruushku kordhiyay “halista Suuriya” balse lama shaacin tirada dayuuradahaasi.

Hadalsame Media