”Maku CAJABIYAY filimkii aad soo daawatay?!!” – Sheeko akhris mudan

0

(Hadalsame) 04 Okt 2018 – Nin darawal ah oo shaqadiisu tahay inuu ku xamaasho Gaari yar ee uu isaga leeyahay ayaa lagu soo warramay in maalin maalmaha kamid ah laga xaday Gaarigiisa iyadoo la garan waayay cidda kaxeeysatay iyo goobta loola dhaqaaqay Gaarigiisa oo gebi ahaanba laga dhex waayay gudaha magaalada iyo hareeraheeda oo dhan kadib gurmad raadin ah oo ay iskuugu soo baxeen dadka deegaanka ah balse lagu guul darraystay in dib loo helo Baabuurka.

Hal maalin kadib waqtigii dhacdada lagu baraarugay ayaa waxaa lama filaan noqotay in Gaarigii dib loogu soo celiyay halkii shalay laga qaaday taasina ay sahashay in Baabuurka lagu wareejiyo ninkii lahaa oo ay Bulshada dartiis baadi goobka daran u geleen.

Haddaba ninkii markuu guddoomay Gaarigiisa ayaa waxa ay Indhahiisa qabteen Baabuurka oo si wanaagsan loo soo dhaqay ayna ka muuqato nadaafad aad u sarreeyso, dabadeed waxa uu furay daaqadda Baabuurka halkaasi oo uu ku arkay warqad looga tegay kursiga dhexdiisa laguna lifaaqay farriin gaar ah oo u qorneyd sida hoos ku xusan waxaana ereyada lagu billaabay –

Waan ka xumahay, waana ka cudur-daaranayaa falka aan kugu sameeyay, waan ogahay inaan qaatay Gaarigaaga ogolaasho la’aan maxaa yeelay xaaskayga oo fool ah ayaan ku geeyay Isbitaalka si ay gargaar caafimaad u hesho, haddane waa ay fiican tahay xaaladdeeda oo waa lagu guulaystay qalliinkii oo sababay in ay si fudud ku umusho.

Dhanka kale waxaan kuu sheegayaa inaan haddiyad qaali ah kuugu reebay shaneemada waxaadna kala bixi kartaa qaanadda ku dhegan kuraasta fadhiga ah ee ugu danbeeyo, adiga ayaa leh macmacaanka Boorsada ku jiro oo dhan, waxaan rajeeynayaa inaad ii cudur-daarto.

Ninkii markuu dhameeyay qoraalka waa uu dhool-cadeeyay isagoo Gacantiisa ku tiray illin markaasi Indhahiisa ka soo qubaneeysay waxa uuna yiri – ”Alle ayaa mahad iska leh oo nagu Irsaaqay ajar iyo denbi dhaaf aan dadaal iyo waqti toona ku bixin.”

Si kastaba ninkii waxa uu ku laabtay Gurigiisa, isagoo reerkiisa ku war-geliyay in ay isku diyaariyaan shaneemada oo lagu casuumay iyadoo dhamaan xubnaha uu ka kooban yahay qoyska ay mar qurra aadeen shaneemada lana cidleeyay gurigii oo aan qofna looga tegin.

Saacado dhowr ah kaddib waxa uu ninkii ku soo laabtay Gurigiisa oo la jabsaday, Albaabka oo furan, iyo guud ahaan alaabtii Guriga tiilay oo la rartay, kaaga sii darane waxaa derbiga qolkiisa jiifka loo suray warqad cinwaan looga dhigay – ”Filimkii maku cajabiyay mar haddii aad soo daawatay?”

Isku soo wada duuboo, murtida ku gedaaman sheekadani waxa ay tahay inaad mar weliba ka digtoonaato dhagarta kaaga imaan karta dadka aadan aqoonta fog u laheyn kuwaasi oo noloshaada ku burburin karo ficil khiyaano ah oo dhankooda ka yimaada kadibna aad ku dhaqaaqdid adigoo aan si dhab ah uga fiirsan cawaaqibka ka imaan karo.

Qalinkii: Cabdiqani Gaarane Barre (Dufle)

Hadalsame Media