Ka bogo 10 TALO oo waxtar u leh tayada NOLOSHEENNA!

0

(Hadalsame) 04 Okt 2018 – Waxaan halkan idiinkugu haynaa, toban talo oo waxtar u leh nolosheenna, waxayna kala yiiin:

1. Waa muhiim in miisaanka aad saarto wax kasta oo noloshaada kusoo biiraya ama ka baxaya, si kale hadaynu u dhigno isticmaalayso ama samaynayso ha noqdo cabirkiisu meeqaamka uu diinta Islaamka ka joogo iyo siday u aragto marna xadka diintu dhigtay ha baal marin.

2. Noloshaada waa in aad noqotaa qof kaligii is bixin kara oo aan cidna u daba fadhiisan arrimihiisa, danihiiisa, baahidiisa, awoodiisa iyo waxkasta oo noloshiisa ku saabsan.

3. Xaalka dadka kale ku nool yahay waa in aad qiimaysaa mar kasta, markay kuu baahdaan oo aad halkay taagan yihiin is dhigto.

4. Maaliyada ama dhaqalaaha kusoo gala marna ha ku dhammayn wax aan faa’iido badan soo kordhinayn, noloshana ha ka dhigin maanta uun in ay tahay ka feker berri iyo mustaqbalka.

5. Qofna haku qiimayn muuqaalkiisa, da’diisa, haybtiisa ama waxyaale kale oo hooseeya laakiin ku qiimee caqligiisa, cilmigiisa, kartidiisa iyo garashadiisa.

6. Haddii aad nolosha ku kufto oo aad aragto kuwaad wada socoteen oo ku dhaafay ha quusan oo ha iska sii jiifin laakiin kac oo kuwa tartanka gadaal ka soo galay yayna ku dhaafi.

7. Haddii aad adigu naftaada ku kalsoonaan waydo oo aad isjeclaan waydo cid kalena ku jeclaan mayso, mar kasta isku hayso in aad adduunka ugu qurux badan tahay, geesi san tahay, karti badan tahay ama ugu wanaagsan tahay.

8. Caawi oo taakulee dadka inta aad awoodo, caawintu maaha oo kaliya dhaqaale; laakiin walaalka oo qaldan baad toosin kartaa, hawl baad la qaban kartaa ama si uun baad u taageeri kartaa.

9. Inaad dadka cafiso ku dadaal maxaa yeelay raali ahaanshaha Alle ayaad helaysaa, ka fagowna waxyaabaha qalbiga dila ee xasadka, xiqdiga iyo yasitaanka, garawso in bani’aadam kastaa qaldamo, adba immisa jeer baad qalad gashay, maxaad jeclayd markaa?

10. Talo iyo waano kasta oo aad siinayso dadka aad jeceshahay si ay u noqoto mid qalbiga si dhaba u taabata waa in aad adigu ugu horayn naftaada ku dhaqday, haddii kale waxba masoo kordhinayso haddii naftaaduba ka qatan tahay….

Qalinlkii: Samaale Axmed Xuseen

Hadalsame Media