HALIS & HANNAAN XUMO: Telefoonka gambada la gashanayo waa HALIS aysan haweenku ka war haynin!!

0

(Hadalsame) 30 Sebt 2018 – Telefoonkan noocan loo isticmaalo waa hannaan aan ku arkay haween SOOMAALI ah gaar ahaan kuwooda dhexdhexaadka ah ama waawayn ee qurbaha oo basaska iyo tareennada la raaca, balse xitaa haddii aanan aqoonin gabadhaas waxaan isku dayaa inaan uga digo laba arimood:

1 – Waxay ku fadhisaa BAMBO WAQTIYAYSAN waayo telefoonka xarig la’aanta ah (Cordless) ee gacanta (Mobile) oo awalba in waqti dheer lagu hadlo ay halis tahay maadaama uu sii daynayo shucaaca halista ah ee electro magnetic radiation oo sababa buro ama xitaa kansarka maskaxda (Brain tumor or cancer) ayay misna maro kula dhejisay madaxaaga iyadoo ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in haddii aad waqti badan ku hadlayso telefoonka gacanta aad ugu yaraan isticmaasho xarkaha leh sameecadda dhegaha la gashto (Headset).

2 – Waa magaalo joog xumo tii ugu dambaysay waayo habkaas in loogu hadlo looguma tala gelin, mana jiro cid aan haweenkeenna ahayn oo telefoonkan sidaa madaxa u surata, kuna darsoo wixii muhim ah daqiiqado ayaa lagu kala bogan karaaye inta badan marka telefoonka sidan madaxa loo gashto waxaa la wadaa bla bla bla iyo KALAAM FAARUQ ah.

FG: Iska jir inta goori goor tahay oo jooji dhaqankan sirgaxan oo labadaas siyaaloodba kuugu daran.

Maxamed Xaaji Xuseem Raage
Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden

Hadalsame Media