”Haddii ay Maraykanka daacad ka tahay ”xornimadu” faragelinta haka daayo dalalka kale” – Sergey Lavrov

0

(New York) 29 Sebt 2018 – Haddii uu Maraykanku dan ka leeyahay madax bannaanida dalalka kale, sida uu sheegtay madaxwayne Donald Trump, waa inuu isagu joojiyaa faragelinta dalalka kale, sida uu qabo Wasiirka Dibadeedka Sergey Lavrov.

”Wararka kasoo baxaya madaxda Maraykanka ayaa si cad u muujinaya dalka faragelinta ku haya arrimaha gudaha ee dalalka kale,” ayuu yiri Lavrov oo shir-doceed saxaafadeed ku qabtay intii uu ka qayb gelayay Kulanka Golaha Guud ee QM.

Lavrov ayaa dhanka faragelinta tusaale usoo qaatay, ergayga gaarka ah ee Maraykanka ugu qaybsan dalka Ukraine ee Kurt Volker. “Wuxuu isa siiyay xornimo uu uga hadlo arrimaha Ruushka isagoo leh dadka Ruushku waxay istaahilaan xornimo.’”

”Tan ayaad kasoo dhex saari kartaa cidda ku baaqaysa faragelinta dalalka kale,” ayuu ku dooday.

Hadalsame Media