Ka bogo sida, sababta & cidda dishey Indira Gandhi

0

(New Delhi) 28 Sebt 2018 – Waa gabadh uu dhalay Raysul Wasaarihii ugu horreeyey ee Hindiya yeelato mr Jawaharlal Nehru , waxa uu ilmo ka lahaa iyada keliya , waxbarashadeeda jaamacadda waxa ay kusoo qaadatay Oxford University, wadanka UK , waxay u dhaxday Ferose Gandhi oo ay laba wiil u dhashay Rajiv Gandhi iyo Sanjay Gandhi, ninkaa ay nolol wadaagga ahaayeen waxaa aad uga soo hor jeeday Aabaheed .

Iyaddoo ka faa’ideysa sumcaddii sare ee aabaheed lahaa, waxa ay isu soo taagtay baratan jagada RW ah, waqtigaa aabaheed maanu dhiman weli, 1966-kii ayaa Raysul Wasaaraha Hindiya loo doortay, tartankaa oo ay kula jireen rag dhanka siyaasadda aad ugu xeel dheeraa, nasiib wanaag se ay ka adkaatay.

Waxaa qalalaase ka abuurmay Dowladdii ay hogaamineysay iyo kooxaha diinta Sikhism-ka kaa oo dagaal xoog leh ka dhex abuuray Dowladda iyo kooxahaa, amar ayay ku siisay ciidankeeda iney burburiyaan oo dhulka la simaan, Macbad weyn oo ay leeyihiin oo la yiraahdo Golden Temple, iyagoo fulinaya amarka Raysul Wasaaraha ayay madaafiic ku asqeeyeen oo dhulka la meel dhigeen macbadkii.

Indira waxaa ilaaladeeda gaarka u ah ka mid ahaa askari Siinge-Siinge ah, oo kooxdii dowladeeda ay is hayeen ku abtirsadda ama la diin ah, subax hore, aroor iyadda oo qasrigeeda kasoo baxaysa ayuu liif uu soo saaray ku toogtay 31-kii Oktoobar 1984-kii, iyadoo weli haysa jagada RW wadanka Hindiya.

W; Diyaariyay: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media