DAAWO: Wiilkan cabqariga ihi wuxuu kacaamin doonaa tamarta NUKLIYEERKA!!

0

(Nevada) 28 Set 2018 – In la dhiso wershad ku shaqaysa tamarta nukliyeerku ma aha wax sahlan, haba se ku darin marka uu qofku aad u da’ yar yahay, yeelkeede, waxaa arrintaa naadirka ah holliyay Tylor Wilson oo ah wiil da’yar balse cabqari ku ah Fiisigiska nukliyeerka (nuclear physics).

Mr Wilson oo tan iyo markii uu yaraa arrintan cayrsanayay ayaa sheegay inuu doonayo inuu doonayo inuu kacaamiyo sida loo dhaliyo tamarta nukliyeerka oo ay haatan haliso badani ku hareeraysan yihiin, aadna loo ilaaliyo, si aanu dadka u gaarin kaahiisa halista ah (radioactive).

”Ma doonayo inaan iska dhinto anigoo aan dunida uga tegin wax saamayn wayn reeba, waxaan doonayaan inaan sameeyo soo saarista tamar nukliyeer oo nadiif ah, tamar ahaanna aad u badan una xooggan,” ayuu Wilson NBC News u sheegay.

Taylor Ramon Wilson (oo dhashay 7 Maajo, 1994) wuxuuna u dhashay dalka Maraykanka, wuxuuna 2008-dii isagoo 14 jir uun ah uu noqday qofkii ugu da’ yaraa ee abid sameeya falgal nukliyeer, isagoo isu geeyay dhowr atam oo proton iyo neutron ah oo la isku kululeeyay si ay usoo saaraan uumi aad u kulul oo dhaqaajinaya marawaxad sidaa kusoo saaraysa koronto badan, isagoo adeegsanaya mashiin yar oo fusor ah.

Wilson iyo walaalkii oo isna mucjiso ku ah xisaabta ayaa dhigta Davidson Acadamy of Nevada oo ay dhigtaan arday xul ah oo ku wanaagsan maaddooyinka ay baranayaan (school of nerds), halkaasoo ay macallimiintii ka yaabeen. Wuxuu doonayaa inuu dhiso wershad nukliyeer oo dhulka ku aasan ilaa dhowr baac, si looga nabad galo kaaheeda xitaa haddii uu shil dhoco.

Halkan hoose ka dheeho…

Hadalsame Media