”Maraykanku nooma yeerin karo ciddii ay Yurub la ganacsan lahayd!” – RW Belgium

0

(New York) 26 Sebt 2018 – Maraykanku xaq uma laha inuu sharikaadka Yurub u sheego cidda ay la ganacsan karaan iyo ciddii kale, sida uu qabo RW dalka Belgium Charles Michel.

“Ma aqbali karin inuu Maraykanku noo go’aamiyo gobollada la ganacsan karaan ama aysan la ganacsan karin sharikaadka Yurub” ayuu yiri Michel oo u warramayay warbaahintan reer Belgian ee Faransiiska ku hadasha ee RTBF, in yar uun kaddib markii la kulmay madaxwaynaha Iiraan ee Hassan Rouhani oo ay isku arkeen New York.

© Kevin Lamarque
Jarmanka iyo Maraykanka ayaa horay iskugula dhacay saamaynta uu Maraykanku isku dayayo inuu ku yeesho siyaasadda tamarta ee Yurub

RW Belgian ayaa ka mid ah madaxda reer Galbeedka ee kulamada laba dhinclaha ah la qaatay madaxwaynaha Iiraan oo ka qayb gelaya shirka Golaha Guud ee QM. Belgium waxay sanadka xiga qaban doontaa kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka ee QM (UNSC).

Arrintan ayaa kusoo aadaysa jeer ay sharikadda reer Sweden ee Volvo joojisay gaadiidkii ay ku rakibaysay Iiraan, halka sharikaad kuwa saliidda sifeeya oo Japanese ihi ay ka bexeen Iiraan cunaqabataynta Maraykanka dartood.

Sharikadda reer Sweden ee Volvo joojisay gaadiidkii ay ku rakibaysay Iiraan

Hadalsame Media