Arrin ay maanta samaysay Amiiradda Boqortooyada Britain oo MURAN dhalisay + Sawirro

0
1613

(London) 26 Sebt 2018 – Meghan Markle, oo ah xaaska uu dhowaan guursaday Amiir Harry, oo ka soo jeeda boqortooyada Ingiriiska, ayaa xirtay albaabka gaariga marka ay ka soo dagtay kadib. Arrintaas ayaa dood badan ka dhalisay Caalamka.

Qaar waxay ku ammaaneen Meghan sida ay u dhaqantay, oo ka tarjumaysa dabacsanaanteeda iyo isla-weyni la’aanteeda.

Balse qaar kale ayaa ku eedeeyay Meghan, in ay marka laga soo tago maamuuska laga tillaabsaday ay misna shaqo la’aan dhigayso qofkii arrintaas qabashadeeda lacagta ku qaadan jiray.

Cumar Maxamuud Amoore

Hadalsame Media

 

Facebook Comments