Qadar oo qaabishey wefdi ka socda qorshaynta Somalia (Ujeedka)

0

(Dooxa) 20 Sebt 2018 – Wasiirka qorsheynta, horumarinta iyo Tirakoobka Dalka Qadar Dr, Salah Bin Mohamed, ayaa qaabilay wafdi ka socoda wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Somalia oo hadda booqasho ku jooga Dalkaasi Qadar, sida ay faafisay warbaahinta dowladdu.

Kulankaasi dhex maray Labada geesood ayaa waxa ay iskula soo qaadeen sidii loo horumarin lahaa iskaashiga Labada Dal iyo qorshaha Soomaaliya ee Sanadka 2040, iyo sidii ay Soomaaliya uga faaii’deysaan lahayd waaya aragnimada Qadar ee ku wajahan israaraatiijiyadda xoogagga dhanka arrimaha Bulshada.

Wafdiga ka socda Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya ayaa sharraxaad ka dhageystay dhiggooda Dalka Qadar barnaamijyada horumarinta Dalkaasi iyo habka fulinta Qorshayaasha Wasaaradaha iyo ka gudubka caqabadaha hor yaalla.

Hadalsame Media