DUDELANGE VS AC MILAN: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Luxembourg) 20 Sebt 2018 – Waxaa caawa kulankeeda koowaad ee koobka Europa League ciyaaraysa kooxda AC Milan oo u martiyaysa koox yar oo reer Luxembourg ah oo Dudelange la yiraahdo, oo uu xitaa tababereedu Milan taageero.

Dhanka Dudelange: Waa koox markeedii ugu horreeysey abid ka qayb qaadanaysa koob Yurub ah, waxaadna cabirkeeda ku garan kartaa in uu kooxda oo idil ka mushaar badan yahay Gonzalo Higuain.

Dhanka Milan: Macallin Gattuso ayaa kooxdan Luxembourg ku wajahaya koox gebi ahaanba kayd ah marka laga reebo labada laacib ee Romagnoli iyo Huiguain. Goolka waxaa ilaalinaya Reina, halka daafaca uu markii 1-aad safanayo Caldara. Waaxda gebi ahaanba kaydka ihi waa dhexda oo ay joogaan Bertolacci, Mauri iyo Bakayoko. Castillejo ayaa isna u diyaar ah kulan bilowgiisii uu safka hore yahay, si la mid ah Laxalt.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 12 BONNEFOI, 24 JORDANOV, 3 BISEVAC, 8 POKAR, 28 N. PEREZ, 21 STUMPF, 25 AGOVIC
  • 99 G. DONNARUMMA, 17 ZAPATA, 21 BIGLIA, 2 CALABRIA, 79 KESSIE, 10 CALHANOGLU, 77 HALILOVIC

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Joubert
  • Conti, Strinic, Montolivo, Cutrone, Musacchio

Hadalsame Media