DHEGEYSO: Xisbiga Vänster oo dagaal furan u CADDAYSTAY xisbiga cunsuriga ah ee SD

0

(Stockholm) 20 Sebt 2018 – Xisbiga bidixda ah ee Vänster ayaa Lotta Johnsson Fornarve oo ka mid xildhibaannada xisbigaasi u magacaabaya inay kursiga ku simaha 2-aad ee baarlamanka Sweden kula tartanto Björn Söder oo ka socda xisbiga soo galootiga neceb ee Sverige Demokraterna.

Hoggaanka xisbiga Vänster, Jonas Sjöstedt oo barqadii maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Stockholm ayaa warbaahinta u faahfaahiyay moowqifkooda.

Hoggaamiyaha xisbiga Vänsterpartiet ayaa keenay hindise ah inuu ogol yahay inuu afhayeenka baarlamanka qaato xisbiga Social-ka, halka uu xisbiga Moderat-ka oo ah midka 2-aad ee ugu wayni uu qaadanayo ku xigeenka 1-aad ee afhayeenka baarlamanka, halka ku simaha 2-aad ay iyagu u sharraxan yihiin, balse wuxuu carrabka ku dhuftay in uusan marna waxba u ogolayn xisbiga SD.

Caadiyan xisbiga 3-aad ee ugu ballaaran baarlamanka ayaa qaadan jirey mid ka mid ah ku simayaasha afhayeenka baarlamanka, balse taa waxaa ka horjeeda xisbiga Vänster oo ay xilkaa ugu taagan tahay Lotta Johnsson Fornarve oo in la sharraxay ku tilmaantay sharaf wayn. Fornarve waa 62 jir horay uga tirsanayd xildhibaannada golaha degaanka ee degmada Oxelösund.

Jonas Sjöstedt ayaa sheegay in ay markii hore doonayeen in uu ku simaha 2-aad ee afhayeenka baarlamanka soo sharraxdo xisbiga dhexe ee Centerpartiet, oo ah midka 4-aad ee ugu wayn baarlamanka, balse ay diideen, wuxuuna Sjöstedt soo jeediyay in codaynta todobaadka soo aaddan laga dhigo mid qarsoodi ah.

Hadalsame Media