4 jir Soomaali ah oo si arxan darro ah loogu diley dalka Kuwayt

0

(Kuwayt) 21 Sebt 2018 – Sida uu qoray wargeyska Arab Times ee kasoo dalka Kuwait Ilma yar oo Soomaali ayaa u dhintay tooriyeyn.

Ilmahan yar oo Soomaali ah ayaa dhashay sanadkii 2014–kii, waxaana meydkiisa laga helay qolkii uu ku noolaa oo ku yaala caasimadda.

Dilka ilmahan yar ayaa loo adeegsaday toori iyadoo markii dambe la ogaaday in dhaawacyo ay kaga yaalaan wadnaha.

(Wargaysku oo soo xiganaya ilo ku dhow dhow ciidanka amniga ayaa sheegay in hooyada dhashay wiilkan ay aragtay ilmeheeda oo mayd ah oo qolkiisa yaala, kadibna ay u wacday waaxda gurmadka gargaarka ah ee wasaaradda arrimaha gudaha si ay ugu wargaliso dhacdadan.

Markii garaarka deg dega ah ay meesha soo gaareen ayaa arkay ilamahan yar oo si xoog badan u dhiig baxay, waxaana markiiba shaqaalaha caafimaadku ay cadeeyeen in uu mayd ahaa.

Wargayska oo sii faah faahinaya shilkan naxdinta badan ayaa sheegay in goobta laga helay mindi, isla markaana laga baarayo mindada faraha cida dilkan gaysatay.

Waxaa boolisku ay wadaan baaritraanka dhacdadan iyo sababaha keenay si gacanta loogu soo dhigo qofka gaystay dilka Ilamahan yare e Soomaaliga ah.

Ridwaan Xaaji Cabdi

Hadalsame Media