DAAWO: Sababta ay lama huraan u tahay in dib u eegis lagu sameeyo canshuurta Somalia (Dal kuma dhismo canshuur hal gobol ah)

0

(Muqdisho) 19 Sebt 2018 – Waxaa isa soo taraya doodaha ka oogan qaabka loo qaado canshuurta laga qaado Gobolka Banaadir oo weli ah midka qura ee ay si rasmi ah u canshuurto dowladda dhexe, iyadoo aysan muhiimaddu ahayn in canshuurta la diido balse dadku waxay xaq u leeyihiin adeeg biddaal ah.

Doodaha ugu badani waxay ka joogaan qaabka canshuurahan loo qaado, xeerka loo cuskado, sababta gobollada kale looga qaadi la’yahay, sababta loo dejin la’yahay xeer cusub oo canshuureed iwm.

Waxay kaloo doodi ka joogtaa qaabka loo maareeyo, tusaale ahaan, Gobolka Banaadir oo ah midka canshuurta laga qaado wuxuu helaa boqolleey aan ka badnayn 15%, halka inta kale ay qaadato dowladda dhexe, boqolleeydaa ay kala qaataan labada dhinacna ma dhaliso adeeg muuqda oo gobolka loo qabto, maxalli ahaan iyo heer qaran intaba.

Tusaale ahaan, la sheegay in booskii Xamar ku yaalla oo 20 x 15 ah sanadkii laga qaado 300 doollar oo ah canshuurta hantida ma guurtada ah (property taxation), waxaa dheer mid ay degmooyinku qaadaan oo isla qaybtan ah.

Haddaba, Prof Yaxya Caamir ayaa sharraxaya xeerarka canshuuraha iyo macluumaad ku aaddan guud ahaan canshuuraha.

Hadalsame Media