Xaaladda Xildhibaan Boorow oo ku dhaawacmay qarax xalay ka dhacay Muqdisho

0

(Muqdisho) 16 Sebt 2018 – Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Isbitaalka ku booqday Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo xalay ku dhaawacmay kadib markii qarax loogu xiray gaarigiisa.

Qaraxa oo ka dhacay ka soo horjeedka Tiyaatarka qaranka ayaa ka dhashay sida la sheegay walxaha qarxa oo lagu dhajiyay gaariga xildhibaanka. Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan.

Xildhibaanka ayaa waayay mid ka mid ah labadiisa gacmood, waxaana sidoo kale qaraxa ku geeriyooday darawalkiisii.

Xubno ka tirsan golaha wasiiradda Soomaaliya, iyo Baarlamaanka oo ay kala hoggaaminayeen Mr. Khayre iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku booqday Xildhibaanka dhaawacmay Isbitaalka, waxaana ay ballan qaadeen inay gacan ka gaysanayaan daryeelka caafimaad ee xildhibaanka.

Hadalsame Media