Taageerayaasha Inter Milan oo furka ku xooray ”cadaaladda” VAR

0

(Milano) 16 Sebt 2018 – Taageerayaasha Inter Milan ayaa ka caraysan in aan la raacin nidaamka VAR, kulankii ay shalay 1-0 gurigooda uga badisay kooxda Parma, gaar ahaan kubaddii uu gacmeeyay Federico Dimarco.

Shilkan ayaa dhacay markii uu Dimarco gacanta kusoo bixiyay toog ka timid Ivan Perisic, taasoo u ekayd mid uu xusulka ku taabtay, waana waxyaabaha caadiyan loo abuuray VAR, yeelkeede inuu xitaa eego iskuma dhibin garsoore Gianluca Manganiello, isagoo iska tala saartay go’aan uu dhegta ugu sheegay Gianluca Rocchi oo VAR fadhiyay.

Waloow lagu doodi karo inay kubaddu markii hore ku dhacday lugta Dimarco oo aysan kas ahayn misna waa nooca shil ee ay ahayd inuu garsooruhu hubiyo oo uu muuqaalka daawado, iyadoo iska indha tiridda arrintaasi ay tahay jebinta xeerka VAR.

Qabtaha Inter ee Samir Handanovic ayaa isna ka cowday Dimarco – oo falka aan kasoo sheekeeynay rooso ku qaadan karey – wuxuuna sheegay in ay isla laacibkaa ugu suura gashay inuu goolka guusha dhaliyo, isagoo uu goolwalaha isku aaddiyay laacib Parma ah oo hobseed ku jirey. Waana arrin kale oo ay ahayd in VAR loo eego, si loo go’aamiyo inuu hobseed jirey.

CABASHADA PARMA

Yeelkeede, Inter oo qura ma aha cidda ka sheeganaysa khaladaadka Manganiello iyo saraakiisha VAR, maxaa wacay, jeer ay ciyaartu socotey 3 daqiiqo oo qura ayuu Roberto Gagliardini taako fidsan ku qaaday Antonio Di Gaudio.

Taasoo aanu Manganiello xitaa laad xor ah dhigin, kana dhigan dhacdo kale oo ay khasab ahayd in loo eego muuqaalka ku celiska ah ee VAR.

Hadalsame Media