Mustafe Cumar oo lagu wado inuu la kulmo Jabhadda ONLF

0

(Muqdisho)16 Sebt 2018 – Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxamed Cumar ayaa lagu wadaa inuu gaaro Magaaladda Asmara ee xarunta dalka Eritrea halkaas oo la filayo inay ka dhacaan kulamo u dhaxeeya isaga xubno ka tirsan Jabhadda ONLF.

ONLF ayaa dhawaan sheegtay inay heshiis la gaartay dowladda Itoobiya waxaana socdaalka Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida la aamisan yahay inuu qeyb ka yahay geedi socodka dib u heshiisiinta deegaanka Soomaalida.

Xubnaha la socda Madaxweynaha iyo madaxda ONLF ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan sidii loo soo afjari lahaa collaadihii gaamuray ee gobolka, gaar ahaan dhulka Soomaali galbeed.

Dhinacyada ku shiri doona Asmara ayaa qorshu yahay in marka ay heshiiyaan ay si wadajir ah u aadaan Magaaladda Jigjiga ee xarunta Maamulka Soomaalida.

Hadalsame Media