JUVENTUS VS SASSUOLO: Shaxda & safafka ay galabta kusoo geli karaan!

0

(Torino) 16 Sebt 2018 – Waxaa galabta ciyaaraya labada kooxood ee Juventus iyo Sassuolo oo ku ballansan gegada Allianz Stadium ee magaalada Torino.

Dhanka Juve: Emre Can ayaa safka hore kasoo muuqan doona, halka Pjanic uu kaydka fariisan doono, sida laga dhadhansaday hadalkii Allegri. Waxaa shaki ku jiraa Khedira, waxaana haddii la nasiyo beddelaya Bentancur. Weerarka waxaa boosaskooda la hubaa Cristiano Ronaldo iyo Mandzukic. Waxaa soo raaci kara Bernardeschi. Daafaca waxaa la nasin karaa Chiellini, dadabka De Sciglio ayaa beddelaya Cancelo.

Dhanka Sassuolo: De Zerbi ayaa waax kasta u haysa beddel kale, isagoo heli kara dhamaanba laacibiintiisa marka laga reebo Peluso oo dhaawacan. Wuxuu dheelayaa 4-3-3. Khadka dhexe waxaa shaki ku jiraa midka safanaya Locatelli iyo Magnanelli oo dhaawac kasoo laabtay. Weerarka 3-da ah Berardi iyo Boateng waxaa raaci doona midkood Babacar iyo Di Francesco.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 22 PERIN, 21 PINSOGLIO, 20 CANCELO, 24 RUGANI, 3 CHIELLINI, 6 KHEDIRA, 5 PJANIC, 16 CUADRADO, 11 DOUGLAS COSTA, 10 DYBALA, 18 KEAN
  • 79 PEGOLO, 2 MARLON, 12 SENSI, 5 LEMOS, 39 DELL’ORCO, 73 LOCATELLI, 98 ADJAPONG, 9 DJURICIC, 20 BOGA, 99 BRIGNOLA, 10 MATRI, 30 BABACAR

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Spinazzola, Barzagli
  • Peluso

Hadalsame Media