Faarax Macalin oo weerar kulul oo afka ah ku qaaday hoggaamiyaasha Maamul goboleedyadda Soomaaliya

0

(Muqdisho) 16 Sebt 2018 – Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya haddana ah Siyaasi af dheer ayaa weerar ba’an oo afka ah ku aaday madaxda Maamul goboleeyadda Soomaaliya isagoona saadaaliyay inay mari doonaan jidkii uu maray madaxwaynihii hore ee deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

Faarax Macalin oo ah siyaasi aad u dhaliila siyaasadda dalalka Khaliijka ee geeska Afrikan ayaa markaan weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday qaar ka mid ah madaxda Soomaalida.

“DR. Abiye waxaa uu bedelay dhamaan taliyaashii ku xirnaa Al-Shabaab ee ka tirsanaa TPLF (Tigreega / AMISOM, waxaana sii dhamaanayaa maalmihii Al-Shabaab. Waxaa ku xiga agoontii TPLF oo ah kuwa loogu yeero madaxwaynayaasha dowladda goboleedyadda, sida Axmed Madoobe, Gaas, Sakin iyo kuwa kale waxayna mari doonaan halkii uu maray Cabdi Illeey,”ayuu yiri Farax Macalin.

  • ·Farah Maalim‏ @FarahMaalimM 22h22 hours ago: Dr Abiye has replaced All the TPLF/ALSHABAAB allied commanders of the Ethiopian Amisom contingent. Al Shabaab’s days are numbered. Next in line TPLF orphans to bolt are the so called Somalia Regional Presidents. Madobe,Gaas, Sakin etc start packing now or end up like Abdi Illey.

Hadalkiisa ayaa imaanaya xili khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyaddu cirka isku shareeray.

Hadalsame Media