Dowladda Turkiga oo xabsi dhigtay askari u dhashay Ingiriiska

0

(Muqdisho) 16 Sebt 2018 – Askari hore uga mid ahaa ciidanka Ingiriiska ayaa lagu xiray dalka Turkiga iyadoona lagu xukumay todobo sanno iyo bar xabsi ah.

Joe Robinson oo 25 sanno jir ah ayaa la xiray waqti uu ku jiray fasax uu ku joogay dalka Turkiga waxaana lagu eedeeyay inuu gacan siinayay Jabhadda People’s Protection Units of Syrian Kurdistan (YPG) ee ka dagaalanta Syria.

Turkiga ayaa dagaal kula jira kooxda YPG taasoo u dagaalamaysa inay hesho maamul ka madaxbanaan xukuumadda Ankara. Askariga Ingiriiska ah ayaa qirtay inuu ka barbar dagaalamay kooxda YPG taasina ay qeyb ka ahayd dagaalka looga soo horjeedo Kooxda dowladda Islamiga, IS.

Askariga ayaa la filayaa inuu racfaan ka qaato xukunka lagu riday,iyadoona dowladda Ingiriisku aad uga xumaatay tallaabada Ankara ku xirtay askarigaasi.

Hadalsame Media